Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaadatay hadal uu jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Kulane Jiis), kaasi oo u muuqda mid ay uga dhuumaneyso jabka lagu gaarsiiyay gulufka socda.
Kulane ayaa wareysigaas oo uu siiyay Daljir wuxuu ku sheegay in ciidamada dowladda uu ku socda bur-bur horleh, halka Al-Shabaab uu sheegay inay sii xoogeysaneyso, isaga oo soo qaatay weeraro ay kooxda hub uga furatay ciidanka dowladda.
“Ciidanka dowladda bur-bur ayaa ku socda, Gorgor iyo Danab oo ahaa ciidamo aad u tababaran waa la bur-buriyay. Al-Shabaab-kii waxaad mooda inay sii xoogeysanayaan oo waxay la wareegeen hubkii loogu tala-galay in lagu qalabeeyo ciidanka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane.
Kulane ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Caad ee gobolka Mudug, kaasi oo uu sheegay in ciidanka uu kasoo gaaray khasaare xooggan.
Al-Shabaab ayaa sida muuqata hadalka Kulane oo horey usoo noqday Taliye ku-xigeenka NISA ka raadinaysa nafis, si ay ugu yaraan indhaha dadka raacsan u tusto in dagaalka ku gacan sareyso, ayada oo xaqiiqdu tahay taasi bedelkeed.
Waxaa la dafiri karin in weli si rasmi ah aan loo wiiqin awoodda kooxda Al-Shabaab, balse waxaa xaqiiqo ah in kooxda jab xooggan lagu gaarsiiyay gulufka dagaal ee bilihii dambe socday, kaasi oo looga xoreeyay degmooyin iyo deegaano ay sanado badan ka talineysay kooxda.
Al-Shabaab ayaa gulufka ka dhanka ah ku weysay dagaal-yahaanadii ugu badnaa iyo horjoogayaal sare, sidoo kale waxay ku lumisay oo la bur-buriyay qaar kamid ah saldhigyo iyo keydadkii ugu muhiimsana ee hubka iyo qaraxyada.
Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu
Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA
Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha