Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay horey uga wada hadleen in...

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay horey uga wada hadleen in dekedaheeda Soomaaliya lagala hadlo Itoobiyaanka

0

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay horey uga wada hadleen in dekedaheeda Soomaaliya lagala hadlo Itoobiyaanka in ay isticmaalaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay markale Kiiska Itoobiya & Soomaaliya ka dhaxeeya ayaa si furan markale qadiyadan uga hadlay, wuxuu sheegay in ay qorshaha ugu jirtay oo wada hadal socday ku aadan in 4-5 dekedood laga wada hadlo, laakiin ay Itoobiya jiho kale oo khaldan u wareegtay, ayna hadda diidan tahay Soomaaliya siyaasadda ay qaadatay Itoobiya, Banooniguna wuxuu sheegay in uu yaalo dhinaca Addis Ababa.

Xassan Sheekh ayaa sheegay in dhaqaalaha kororkiisa iyo Badda Cas aysan isku xirneyn ama Bad la’aanta, isagoo soo qaatay tusaalayaal la xariira arrimaha wadamada horumarka sameeyey ee dunida haddana aan laheyn xeebo ama dekedo ay Maraakiib kusoo xirtaan.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in uu arrintan horey ugala hadlay RW Itoobiya, una sheegay in ay Soomaaliya faa’iido ku qabto in Itoobiyaanka ay wax kala soo dagaan Xeebaha Soomaaliya, balse suaasha ay is dhaafsadeen ahayd sidee maslaxada labada dhinac looga dhabeyn karaa.

Soomaaliya ayaa sheegtay in 1991-dii, markii ay burbureen dawladdihii Siyaad Barre & Mingiste kala hogaaminayeen in ay dhankeda ka xirantay cadaawadii labada dal dhextaalay in ka badan 600 Sanno, balse dhanka Addis Ababa aysan marnaba albaabkaas xirin, Xassan ayaa sheegay in boggii hore ee cadaawada ay dhanka Soomaaliya xireen oo ay taariikh cusub diyaar u yihiin.

“Itoobiya, waxay leedahay deked baan rabnaa anagaana dooranayna meesha aan ka rabno, miyirku ha idiin soo laabto, markaas ayaan ka wada hadlaynaa dekedaha iyo baddahaba, laakiin nin leh dhulkaan leenahay 4-5 dekedood markaas waan ka wada hadli karnaa”

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSafiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya oo Si Ba,an u Weeray Madaxda Soomaalida
Next articleXasan shiikh oo Deni Hortisa kusoo Dhaweeyey Go,aankii Shalay Baaralaanka Soomaaliya ku Gureen Dastuuka Soomaaliya