Golaha Wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo goordhoweyd Muqdisho ku yeeshay shir deg deg ah oo aan caadi aheyn, ayaa qaraar xasaasiya kasoo saartay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.
“Ayada oo arrintaan laga jawaabayo waxay la tashi deg deg ah ugu yeeraysa safiirkeeda dalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri qaraarka kasoo baxay Golaha Wasiirrada oo goordhoweyd shir deg deg ah ku yeeshay Muqdisho.
Qaraarka xukuumadda ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiska ay shalay Addis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay si adag u diidaysa oo si cad uga horjeeda tallabada guracan ee Itoobiya ku sheegtay inay si sharci darro ah ay heshiis is-afgarad kula gashay maamulka Somaliland, gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta la wadaagay qaraarka kasoo baxay Golaha Wasiirrada.
Sidoo kale Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siisay Itoobiya. Sidoo kale waxay ka dalbatay Golaha Amaanka ee QM, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacada Carabta iyo saaxiibada kale ee daneeya xasilloonida gobolka iyo caalamka inay Itoobiya ku cadaadiyaan inay kusoo noqoto xayndaabka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, oo ah mid iskaashi iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah.
Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.
Sidoo kale wuxuu markaas sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.