NISA oo gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shaqsiyaad dhawaan tegay deegaanada Al-Shabaab joogto, kana soo muuqday muuqaalo ay horey u baahisay kooxda.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shaqsiyaad dhawaan tegay deegaanada Al-Shabaab joogto, kana soo muuqday muuqaalo ay horey u baahisay kooxda.
Raggan ayaa kasoo muuqday muuqaalo ay baahisay kooxda, iyaga oo sheegaya inay ku biireen Al-Shabaab. Waxaana markii dambe u suurta-gashay NISA inay gacanta kusoo dhigaan raggaan, inkasta oo aysan shaacin sida loo soo qabtay.
Muuqaal ay maanta baahisay warbaahinta dowladda ayey kasoo muuqdeen saddexdan nin, iyaga oo sheegay in markii hore dowladda ay Muqdisho uga qaaday in ay ka qeyb noqdaan ciidamada Macawiisleyda.
“Muqdisho ayaa nagala qaaday anaga oo Macawiisley ahaan naloo wado si aan ula dagaalano Al-Shabaab. Baardheere ayaa tagnay oo sidii ayaa baabuur kaga raacnay Baardheere oo waxaa tagnay meel caan ah oo ay Al-Shabaab haystaan,” ayuu yiri mid kamid ah saddexdaan nin ee NISA soo bandhigtay.
Sidoo kale waxay sheegeen in la geeyay Jilib, kadibna muuqaalka ay baahisay kooxda laga duubay, hase yeeshe si faah-faahsan uma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay in kooxda raadsadaan iyaga oo Macawiisley ahaan ay dowladda uga waday magaalada Muqdisho.
Waxay ka dalbadeen dowladda federaalka Soomaaliya inay cafis u fidiso, maadaama ay bedeleen mowqifkoodii hore ee looga waday Muqdisho, oo ay aadeen dhanka kooxda Al-Shabaab.
“Waxaa rajeynayaa hadda maadaama qalad galay oo hadafkeyga badalay, aniga oo Macaawiisley ah oo mowqifkeyga uu ahaa in dalkeyga iyo deegaanadeyda ka xoreeyo haddana aan beddelay mowqifkeyga, oo weliba rag aniga ila mid ah ay Shabaab la xiriireen oo mowqifkeyga bedeleen waxaa rajeynaa in dowladda Soomaaliya i cafiso.”
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay