Maamulka gobolka Banaadir ayaa si deg-deg ah usoo farageliyay cabasho kasoo yeertay darawallada ka shaqeeya gaadiidka mooto Bajaajta ee ka howlgasha Mudqisho, kadib markii ay sheegeen in lagu soo rogay lacago dheeraad ah.
Afhaayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi uusan shaqo ku lahayn dowladda hoose ee Xamar.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay maamulka gobolka ay soo gaartay cabashada Bajaajleyda, kadibna uu si deg-deg ah uga howlgalay.
“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu caddeynayaa in wax shaqo ah uusan ku lahayn lacagahaasi laga qaadayay mootooyinka Bajaajta ee ka howlgala Muqdisho” ayuu yiri.
Saalax ayaa intaasi ku daray in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad leh shirkado gaar ah oo iyagu qaadayay lacagahaasi, lagana qaadi doono tallaabo adag.
“Guddoomiyaha waxa uu faray laamaha ammaanka iyo qaybaka kala gedisan ee howlwadeennada maamulka gobolka Banaadir inay dabagalaan howshaas waxaana lagu guulaystay shalay in gacanta lagu soo dhigo rag Companyo lahaa oo iyagu ku shaqeysanayay howshaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay u mahadcelinayaan Bajaajleyda Muqdisho oo uu ku amaanay sida ay u qaataan amarada kasoo baxa maamulka gobolka Banaadir.
“Wuxuu maamulka u mahadcelinayaa Bajaajleyda ka howlgasha gobolkan Banaadir oo mar walba u hoggaansama awaamiirta dowladda hoose” ayuu mar kale yiri afhayeenku.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay