Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.
Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ka wadaan gobolka, si looga xoreeyo halkaasi.
Sida aan xogta ku helnay ciidamada isbaheysanaya ayaa kusii jeeda magaalada Caad oo hadda ah bartimaameedka koowaad ee qabashooda, halkaas oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay haatan isku uruursanayaan aagga buurta Yacgoos oo todobaadkanay kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Galmudug ayaa waxaa sanad ka badan ka socda howlgallo dhul iyo cir ah, kuwaas oo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shaabaab oo qorshuhu yahay in laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.