Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Dhowr Degmo Qarka Usaaran inay alshabaab...

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo Dhowr Degmo Qarka Usaaran inay alshabaab kasaaraan

0

Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya iyo dadka deegaanka ayaa weli howlgallo ka wadaan deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Mudug.

Ciidamada huwanta ayaa kusii siqaya deegaanada ay xubnaha Al-Shabaab ka joogaan labadaas gobol oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dhinaca Galgaduud ay ciidamada kaabiga ku hayaan deegaanada Budbud, Cowswayne iyo degmada Galcad oo ay horay uga soo baxeen ciidamada huwanta.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay ay ka wadaan gobolka, si looga xoreeyo halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgallo kale ka wada dhanka Mudug, waxayna ku dhow yihiin deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xoogaga Al-Shabaab.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada isbaheysanaya ayaa kusii jeeda magaalada Caad oo hadda ah bartimaameedka koowaad ee qabashooda, halkaas oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay haatan isku uruursanayaan aagga buurta Yacgoos oo todobaadkanay  kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa barbar socda duqeymo xoogan oo ay diyaarado dagaal ku garaacaan dhulka howdka ah ee ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxaa sanad ka badan ka socda howlgallo dhul iyo cir ah, kuwaas oo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda Al-Shaabaab oo qorshuhu yahay in laga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ad
Previous articleMaxay tahay shuruuddan dhabar-jabka ku ah Israa’iil ee ay Xamaas hor dhigtay?
Next articleCiidamada darawiishta Galmudug oo Alshabaab Kala Wareegay Deegaano ka Tirsan koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here