Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Degmo Dhawaan...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Degmo Dhawaan Alshabaab Dib u qabsadeen

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta gudaha u galay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugna degmada ay iskaga carareen, kadib markii ay ka war heleen gulufka ku wajahan.

Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo hogaaminayay howl-galka ayaa xaqiijiyay in lagu xoreeyay deegaanada bariga Galgaduud dhaca ee hoostago degmada Ceeldheer.

Ciidamada ayaa hadda howl-gal miino baaris ah ka wada wadooyinka soo gala degmada Ceeldheer iyo kuwa ka baxa.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii u horreysay ee ciidamada dowladda ay qabsadaan degmada Ceeldheer, hase yeeshe dagaal-yahaanada Shabaab ay dib ula wareegay kadib markii ay iskaga baxeen ciidamada, ayada oo ugu dambeyn markale maanta ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gulufka dagaal ee Shababa ka dhanka ah ayaa si habsami leh u socda, ayada oo shalay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay Al-Shabaab ka xoreeyeen deegaano muhiim ah oo dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Deegaanada ay ciidamadu la wareegeen ayaa kala ahaa Dhagax-dheer iyo Dahar-Cali xayloow, kuwaasi oo dhammaan hoostaga magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Sidoo kale maalmo kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Degaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Mucaaradka oo aqbalay codsi uga yimid Xasan Sheekh iyo qorshe culus oo socda
Next articleMadaxda Sare ee Dalka oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirad khadiija M Diiriye