Home Wararka Maanta Xamaas oo Guulo waawayn ka Sheegatay Dagaalkii Ka Socda Gaza

Xamaas oo Guulo waawayn ka Sheegatay Dagaalkii Ka Socda Gaza

0

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay.

Inkastoo Abu Cubaydahhawada laga waayay, tan iyo markii uu dagaalku dib uga qarxay Marinka Gaza, haddana qoraal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Xamaas, uuna ku saxiixnaa ninkaasi ayuu ku sheegay in Ciidamada Israel ay jab xoogan kala kulmayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Waxa uu sheegay in Xoogaga Xamaas ay dileen, isla-markaana ay dhaawaceen tobanaan ka mid ah Militariga Israel.

“Ciidamada cadowga qaarkood waxaa lagu laayay dabin loo dhigay godad ay soo galeen iyo dhismayaal ay gabaad ka dhiganayeen,” ayuu yiri Abu Cubaydah.

Abu Cubaydah ayaa yiri “Askar fara-badan oo ka tirsan ciidamada cadowga ayaa sidoo kale lagu weeraray hoobiyeyaal iyo gantaalada ridada gaaban, halka gantaalo kalena lagu garaacay magaalooyinka Israel.”

Abu Cubaydah ayaa ku goodiyay in Guutada Al-Qassam ay sii wadi doonto dagaalka lagu xoreynayo dhulka Falastiiniyiinta, illaa iyo inta ay dib kaga saarayaan cadowga, sida uu yiri.

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo xalay Warbaahinta ka soo muuqday ayaa qiray in ay askar fara-badan ku waayeen dagaalka ka socda Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii sheegay in wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka lagu dilay Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Major Gal Eisenkot oo 25 jir ahaa uu Khamiistii ku dhintay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Xildhibaanada labada Gole oo ansixiyay miisaaniyada 2024 iyo Mushaar Waali ah oo loo Kordhiyay…
Next articleMaalgashiga Dekada Hobyo oo Xalay Laga Daahfuray Magaalada Hobyo iyo Madaxda Galmudug oo isugu Tagay(Sawiro)