Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu dilay muwaadin Turkish ah, oo uu gaari ku dhuftay.
Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.
Maxamed ayaa lasii daayey kadib markii booliska ay warbixin ka qoreen, taasi oo caro xooggan ka dhalisay Turkiga.
Duqa magaalada Istanbul ayaa hadda wacad ku maraya in kiiskan aanu ka hari doonin.
“Kama hari doono arrintan. Waxaan raaci doonaa nidaamka sharciga ah, waxaana soo taaban doonaa illaa dhammaadka aniga oo ka wakiil ah tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha mootooyinka,” ayuu ku daray.