Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Markake Ka Dhex Qarxay xamaas iyo Israail Xili Xabad...

Dagaal Culus oo Markake Ka Dhex Qarxay xamaas iyo Israail Xili Xabad joojin Jirtay

0

Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Gaza Jimcaha maanta ah, iyada oo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howl-gallada ka dhanka ah Xamaas kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jebiyeen xabbad-joojin ku meel gaar ah oo ay rasaas ku fureen dhulka Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Gaza, iyada oo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad-joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Gaza oo ay Israa’iil ka hortagtay.

Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii November oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay in tobannaan la haystayaal ah oo Gaza lagu haystay lagu beddelo boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah, taasi oo sidoo kale fududaysay gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.

Saacad kahor inta aysan dhicin xabbad joojinta 7 subaxnimo, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal laga soo riday Gaza.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas iyo sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaymo cirka iyo madaafiicda ah ku garaacday marinka kadib markii ay dhammaatay xabbad joojinta, oo ay ku jirto magaalada Rafah oo u dhow xadka Masar.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWar Deh Deg ah:Qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo Qasa iyadoo heshiiskii soo gabo-gaboobay
Next articleQoor Qoor oo Tageeray Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan shiikh