Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan garabka mucaaradka ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in u gurmashada dadka ay uga mashquuleen arrimo siyaasadeed, sida wax ka beddalka dastuurka, sida uu hadalka u dhigay.
“Dowladii laga rabay gargaarka, guddiyo iyo abaabulka ganacsatada inay maanta siyaasad lasoo aadeyso baarlamaanka oo ay ka hadleyso in dastuurka la beddalo oo ay ka hadleyso in nidaamka dowladda la beddalo” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis).
Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale duray booqashada uu ra’iisul wasaaraha ku tegay Jubbaland, wuxuuna sheegay in dadkaas aysan u baahneyn igu sawir ee ay u baahan yahay ficil iyo in la gaarsiiyo kaalmo bani’aadanimo oo deg-deg ah.
Hadalkan ayaa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane waxa uu ka sheegay Kudlad la magac baxday Toosin Qaran oo maanta xildhibaanada mucaaradka ah uga dhawaaqeen Muqdisho.
Kudladan ayaa ka shaqeyn doono la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe iyo ilaalinta dastuurka, sida ay shaaciyeen xildhibaanada dhisay.