Home Wararka Maanta Cabdikaafi Nuur Yuusuf oo dhawaan Dilay Cali Cabdi Cali oo Xukun Adag...

Cabdikaafi Nuur Yuusuf oo dhawaan Dilay Cali Cabdi Cali oo Xukun Adag lagu Riday

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo saartay xukunka Dable Boolis Cabdikaafi Nuur Yuusuf, oo isagu muwaadin u dilay muran kala dhexeeyay askari kale.

Cabdikaafi ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo u geystay marxuum Cali Cabdi Cali, falkaasi oo ka dhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley 5-tii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex-maray marxuumka iyo Sarkaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhex-galay, waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka, oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ad
Previous articleNin hubeysan oo toogasho ku Beegsaday saddex nin oo kasoo jeeda Falastiin
Next articleXildhibaan Kulane Jiis oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xamse Cabdi Barre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here