Home Wararka Maanta Fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan oo baraha bulshada qabsaday

Fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan oo baraha bulshada qabsaday

0

Waxaa baraha bulshada qabsaday hadal hayn ku saabsan muuqaalka fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar oo baraha bulshada ku faafay isla markaana Sheekh Maxamed Keenyaawi uu ku sheegayo in Xasan Aadan uu hadda u batay dhanka masaajidka iyo cibaadada.

Sheekh Keenyaawi ayaa yiri, “waxaan ku farxay runtii markii aan ogaaday in Xasan Aadan Samatar uu ku xarooday masaajidka oo aan masaajidka looga horreyn salaadihii aan looga horreyn,”.

Sheekha oo sida muuqata kula kulmay Xasan Aadan Samatar dalka Jamhuuriyadda Jabuutti oo muddooyinkii dambe ku noolaa ayaa hadalkiisa raaciyay in Xasan laba jeer qur’aanka kariimka ah dhameeyay.

Xasan Aadan Samatar oo isna si kooban u hadlayay ayaa sheegay inuu ku dadaalayo wadada uu hayo hadda, isagoo intaa raaciyay , “haddii Alle idmo waan dadaaleynaa fanna wuxuu ahaa kolley waan soo marnay wixii dambi ahna Allaha naga cafiyo wixii murti ahaana waa la sii daayay,”.

Xasan Aadan waxaa uu ka mid ahaa hoballadii Qaranka ee Waaberi waxaana la sheegaa in fanka uu ku soo biiray isagoo dhalinyaro ah waxaana uu heestii ugu horreysay qaaday kun iyo sagaal boqol iyo dhowr iyo toddobaatankii, waxaana uu ku heesaa lehjadaha Mayga iyo Maxaa tiri.

Ad
Previous articleXildhibaan Kulane Jiis oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Xamse Cabdi Barre
Next articleDowladda Ruushka oo ka dhabeysay mid ka mid ah ballan-qaadyadii somaaliya uu Putin ka Balan Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here