Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo sababtay dhimasho iyo burbur soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye oo ka badbaaday dhacdadaas ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dhibaatada ay dhacday kadib salaaddii subax ee saaka.
Waxa uu tilmaamay in dhismaha soo dumay ay dhabarkiisa dambe daganaayeen, isla markaana uu kusoo kordhacay, iyaga oo hurdo, qaarna ay jireen salaaddii subax.
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay dhinteen saddex gabdhood oo daris la’ahaa, kadib markii uu kusoo dul dhacday dhismaha soo dumay, isaguna ka burbureen laba qol.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah haweenka ay ahayd Umul, isla markaana ay kamid noqotay dadka ku dhintay mashaqadaasi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaas xanuunka ku reebtay dadka deegaanka.