Home Wararka Maanta Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay ku Biiritaankii Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga...

Falcelin Xoogan oo Ka Dhalatay ku Biiritaankii Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika .

0

Soomaaliya ayaa si rasmi ah gu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan.

Ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, halka dadka qaar ay si weyn usoo dhoweeyeen arrintaan oo ay sheegeen in faa’iido weyn u tahay dalkeenna, halka qaar kalena ay qabaan taasi beddelkeeda.

Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdicasiis Qaasim Maxamuud: “Waa guul wax ku ool ah oo usoo hooyatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Mahadsanid Mudane Madaxweyne.”

“Masha Allah Soomaaliya guul ayey u tahay ku biirista ururka bulshada bariga Africa isu-socdka ganacsatada Somaliyeed aad ayey muhiim ugu tahay,” ayuu yiri Cabdicasiis Aadan.

Rooble Xalane ayaa isna yiri “Tahriiibka ayuu u fududeeyay waxba ma sooo kordhin madaxweynaha.”

“Madaxweyne howl fiican ayaad inoo qabatay gacan waddanka horumarkiisa kaga shaqaynaysaa gacanta kalana Al-Shabaab ayaad kula diriraysaa,” ayuu yiri Saciid Yoonis.

Cabdifataax Faarax Shire: “Somalia maxaa yaalla oo ay iib-gaynaysaa, war anagaa belo aragnay, dalalkan ayey dantu ugu jirtaa ee Somalia wax dan ah uguma jirto.”

Cali Salaad ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waa guul weyn oo usoo hooyatay dadka Soomaliyeed waxaan rajeeynaa in ganacsatada Soomaliyeed fursado fiican ka heli doonto.”

“Hambalyo Madaxwayne waad dadaashay guul iyo horumar badan baan dalkeena u rajeynayaa iyo in aan ka faa’iidaysan doono dhaqaalaha Bariga Africa waxna ka badalo doono hanaanka dhaqaale ee Bariga Africa Birmade Dalxoreeye Hassan Sheikh Mohamud,” ayuu yiri Dalmar Maxamed Daahir.

Shucayb: “Wax wayn maahan waa dano shaqsi, dowlada cusub ee imaan doontana albaabada ayay iskugu laabi doontaa.”

“Shaqo Qaran oo dadkeena muhiim u ah ayaad qabatay Birmade Madaxweyne HSM. Dalka oo nabad ah iyo dadkeena oo karaamo leh,” ayuu yiri Cabaas Cabdullaahi Abshir.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleGanacsade kale oo Kasoo Jeeda Cadaado oo Markale Lagu Dilay Mareergur
Next articleXildhibaanada federaalka ku Matala Koonfurgalbeed oo Shaaciyay wixii ay laftagareen kala Hadleen