Home Wararka Maanta Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay In Siyaasadda Arrimaha Dibadda Uu U Adeegsado Dano...

Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay In Siyaasadda Arrimaha Dibadda Uu U Adeegsado Dano Gaar Ah

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa eed kulul u eedeyyay Dowladda Federaalka, isagoo si gaar ah kaga hadlay qaabka Dowladda Soomaaliya ay u wajahday siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu ay lumisay waddamo badan oo Saaxiibbo ah, waxaaana uu tilmaamay intaasi uu sabab u yahay Madaxweyne Farmaajo.

“Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen” ayuu yiri CC Shakuur.

Waxaa intaas uu ku daray in siyasadda arrimaha dibadda ay noqotay mid dano gaar ah loo adeegsado, taasi oo ciddii farmaajo uu rabo uu saaxiib kula noqdo, waxaana uu sheegay in meesha ay ka baxday siyaasaddii ku dhisnayd iskaashiga ee Soomaaliya ay la leheed waddamada dibadda.“Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa” waxaa sidaasi yiri Musharrax madaxweyne CC Shakuur

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleAUC Chair Faki calls for Kenya, Somalia dialogue to end tension
Next articleBeesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Guddiyadii Ay Magacabeen Jubbaland Iyo Puntland