Taliska ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa u jawaabay madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay shaaciyay inuu cafis guud u fidiyay dhammaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.
“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Puntland ayaa loogu jawaabay madaxweyne Deni wuxuuna talisku sheegay in qofka dambi galay uu isagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.
“Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab wuxuu bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeed oo cadaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaanayo ee Siciid Cabdullaai Deni uu isagu dambi galay ciidanka kumaaandooska Danab oo uu fagaare ka sheegay in yihiin cadowga Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska Danab.
“Sidoo kale waxa uu dambi ka galay shacabka Puntland, isagoo dagaalo dad badan ku dhinteen ka riday Garoowe iyo Boosaaso, ayna la gudboon tahay inuu cafis ka dalbado Ciidanka Kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
“Taliska waxa uu hoggaaminsan yahay oo uu ku shaqaynayaa go’aankii isimada dhaqanka Puntland ee doorashada inay ku dhacdo waqtigeedii 08/01/2024, mana aqbali doono muddo kororsi” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay taliska ciidanka Danab.