Home Wararka Maanta Mas’uuliyiintii ugu badnaa oo maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale

Mas’uuliyiintii ugu badnaa oo maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii ugu badnaa ay maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo xal u raadinaya colaadda kusoo noqo noqotay halkaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa isugu jiro wasiiro ka tirsan HirShabelle, saraakiil ciidan, bahda garsoorka iyo maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, waxayna ka arrinsadeen xaaladda ammaan ee gobolka, gaar ahaan xal u helidda dagaal beeleedyada Sh/Dhexe.

Kulan ay yeesheen dhinacyadan ayaa waxaa si aad ah looga arrinsaday amniga guud ee deegaannada hoostaga Cdalale iyo Raage-Ceelle oo dhowr jeer ay dagaallo ka dhaceen.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu go’aamiyay in gacan adag lagu qabto cid weliba oo amniga ka dhan ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi.

Dhankoida maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in wax ka qaban doonaan xaaladaha ka jira halkaasi, iyaga oo kaashanayaa laamaha amniga iyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tan iyo markii ay dib u qarxeen dagaal beeleedyada gobolkan waxaa billowday dadaalllo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo HirShabelle, si xal loogu helo colaadaasi.

Waxaa siodoo kale ciidamo katirsan dowladda kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle la geeyay goobaha lagu dagaalamay, si ay gacanta ugu hayaan amniga gobolka.

Colaadaan soo noq nqotay waxa ay sababtay in la dilo dad badan oo shacab ah, kadib weeraro maleeshiyaad hubeysan ka gaystaan aagga magaalooyinka lagu dagaalamayo.

Ad
Previous articleTaliska Danab Puntland oo Jawaab adag Siiyay Deni oo Shalay Sheegay inuu Cafus Ufidiyay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka iyo Qodobo Muhiim ah oo looga Hadlay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here