Home Wararka Maanta Wasiir Xundubeey oo Weerar afka ku Qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Wasiir Xundubeey oo Weerar afka ku Qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xundubey ayaa sheegay in madaxweynuhu markan gaaray da’da todobaatameeyada oo uu ku micneeyay in qofka ku jira marxaladdaas uusan laheyn talo, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii uu 70 gaaray curinta dadkii laga rabay ha usoo noqdo illeen reer todobaatan waa tageen horaa loo yiri, ani ma dhihinee” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inuu madaxweynuhu uusan ogoleyn la kulanka siyaasiyiinta kasoo horjeeda, basle uu doonayo shaqsiyaadka gaarka ah ee uu danaha ka leeyahay.

“Qodobka labaad horaaa madaxweyne usoo ahaa waa laga soo sheegaa, marka qof hantiile ah oo uu dhaqaale ka rabo maahinee ama dhalinyaradaan uu adeegsanaayo maahinee cid kale oo uu madaxweynuhu maanta uu la tashado” ma jirto” ayuu mar kale yiri Xundubey.

Xasan Xudubey oo sii hadalaya ayaa farriin culus u diray madaxweynaha, wuxuuna ugu baaqay inuu kusoo laabto bulshadiisa, isla-markaana uu la sameeyo la tashi guud.

“Madaxweynaha bulshadiisa ha usoo noqdo, waxagaradka ha usoo noqdo dalkaan isagu malaha, annagu ma lihin waan wada leeanahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay howlgallada dhanka ah ah Al-Shabaab, doorka ciidanka Macawiisleyda iyo arrimi ku aadan wixii dhex-maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh oo U Dhoofay Dalka Burundi
Next articleCiidamada Israa’iil qol qol ayay u baarayaan isbitaalka waxaana la socda dad Af-Carabi ku hadlaya