Milatariga Israa’iil ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku garaacay guriga qoyska hoggaamiyaha Xamaas ee bannaanka ka ah magaalada Qaza sabtidii, waxaanay hore u sii wadeen weeraro guud ahaan gobolka go’doomiyey halkaas oo dhibaatada bini’aadantinimo ay si xawli ah uga sii darayso.
Cunto, biyo, shidaalka looga baahan yahay matoorada isbitaallada iyo tas-hiilaadka kale ayaa gabaabsi ku ah Qaza, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay xabbad-joojin degdeg ah si loogu oggolaado gargaarka.
“Xaaladda bini’aadantinimo ee Qaza waa mid aad u xun,” Guterres ayaa ku yiri goor dambe oo jimcahii ah hadal cad oo aan looga baran. “Dad dhan ayaa argagaxsan, meelna kuma badbaadi karaan.”
Ad