Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa labo farriin u kala diray shacabka deegaanada maamulkaas iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah hoggaaminta Saciid Deni.
Saciid Deni ayaa reer Puntland ka codsaday inay dimuquraadiyadda laqaan, si Soomaalida kale ay ugu faanaan, “Shacabka iyo siyaasiyiinta reer Puntland waxaan leeyahay si aad u faantaan dimuquraadiyadda nala dhaqan geliya,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay inay jiraan siyaasiyiin diidan in Puntland uu ka hir-galo nidaam dimuquraadi ah, isagoo codsi u diray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah qorshihiisa oo Muqdisho joogta.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in wax kasta oo Puntland u qabsooma ay Soomaali oo dhan wada leedahay, balse aysan gooni ula carari dooni ‘Sida Somaliland’ sida uu sheegay.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa hadalkaan ka sheegay Bandhigga Buugaagta Nugaal ayaa yiri “Ninkii afkiisa wax ku goosan waaya hadii uu xabad ku raadiyo Shabaab ayuu la mid noqonayaa, waa kuwaas Jilib soo dhaafi la’ marka xoog wax ma taree yaan wax lagu raarin,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Deni.