Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad) oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay dhabar-jebintii lagu sameeyay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharraxday kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaas oo looga adkaaday.
Wasiiru dowlaha ayaa sharraxay waxa uu yahay ballan-qaadkaas, wuxuuna sheegay in Tanzania ay horay ula soo xiirtay Soomaaliya, ayna ka dalbatay inay ku garab istaagto ku guulaysato xilka madaxweynaha baarlamaanka adduunka, taasina ay sameeyeen.
Balcad oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda iyo guud ahaan kan xukuumadda ay la wadaageen baarlamaanka, ugu dambeyna la’isku raacay inay tanaasusho gabadha u tartameysay Somalia, sidaasna lagu fuliyay ballan-qaadkii Tanzania.
Soomaaliya waxa uu sheegay in arrintan ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, balse dowladda Tanzania ay u qoreen qoraal ay kaga codsanayana in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.
Xildhibaanadda oo soo laabatay, isla-markaana bixisay wareysi ayaa qudheeda dhabar-jebinta lagu sameeyay ku eedeysay gudoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.