Home Wararka Somaliya Jubbaland Roobabkii Elnino oo ka Da,ay Gedo iyo Dad ku Dhintay

Roobabkii Elnino oo ka Da,ay Gedo iyo Dad ku Dhintay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay, xalay iyo ilaa maanta ay ka da’ayaan roobab xoogan oo dabelyo wata, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadka deegaanka..

Guddoomiyaha maamulka degmada Grabahaarey Iimaan Cadow Kaarshe oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmadaasi, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada laba qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan.

Iimaan Cadow ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kusoo dumeen dhismayaashii ay daganaayeen, wuxuuna tilmaamayn inay gurmad u sameeyeen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in biyuhu ay jareen buunadadii magaalada oo muhiim u ahayd isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

“Garbahaarey roobab baa ka da’ay, roobabkii guryana waa dumiyeen dadkii ku jiray wuu ku dhintay, togii la’isaga gudbi jiray oo magaalada dhex mari jiray iyo buundadii lagu kala socon jiray waa gooyeen marka khasaarooyinkaas aa soo gaaray” ayuu yiri Imaan Cadow.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay xaaladdu cakiran tahay, isla-markaana ay da’ayaan roobabka oo saameynta ugu badan ku yeeshay qoysaska danta yar.

“Weli roobabka waa socdaan ilaah ha u saqiro dadka intiisa kale, inta dhaawacantay allaha u booga dhayo, intii dhimatayna allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, si loo caawiyo.

“Hadda waxaa ku jirnaa dadaaladdii aan wax kaga qabaneynay dadka dhaawaca ah intii dhimatayne waa la duugayaa laba nin baa dhimatay” ayuu mar kale yiri Iimaan Cadow.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay dowladda federaalka iyo Jubbaland ay digniino uga soo saareen roobabkan iyo xaaladda El-nino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhulka xeebaha, meelaha ku yaallaan togaga iyo wabiyada.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay Sababtii ay Marwo Cabdi Bashiir loo Dhabar jabiyay iyo ujeedka ay ka lahaayeen
Next articleXamaas oo Dagaal Qaraar la Gashay Ciidamada Israil ee Gaza Weerarka Ku Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here