Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya, kadib markii ay yeesheen shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.
Tirada guud ee miisaaniyadda la shaaciyay ayaa ah $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar), waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay golaha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira.
Haddaba sidee looga falceliyay ansixinta miisaaniyaddan oo ka badan hal bilyan oo dollar?
Qaar kamid dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay arrintan, iyaga oo aad usoo dhaweeyay isbeddalka ku yimid miisaaniyadda oo kordhay.
Saajid Axmed ayaa yiri “Waa markii u horeysay dowladdu budget-keedu gaaro 1 bilyan hambalyo in 20% gudaha laga aruuriyay weliba Muqdisho, waa arin boggaadin mudan”.
Ismaaciil Sayid ayaa isna ku jawaabay “Hal bilyan oo 70% macaawino ah wax weyn hanooga dhigina”
Axmed Cabdinuur wuxuu isaguna aragtidiisa oo qoraal ah kusoo koobay “Maashaa allaah waa tallaabo weyn oo la qaaday”.