Home Wararka Maanta Dadbadan oo ka falceliyay Talaabadii ay Golaha Wasiiradu Xalay Qaadeen

Dadbadan oo ka falceliyay Talaabadii ay Golaha Wasiiradu Xalay Qaadeen

0

Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii ay xalay qaadeen golaha wasiirada Soomaaliya, kadib markii ay yeesheen shir aan caadi aheyn oo lagu ansixiyay ku talagalka miisaaniyadda dawladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Miisaaniyaddaan ayaa noqotay tii ugu bandneyd, waxaana ay ku dhor u dhaafeysaa hal bilyan oo dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%.

Tirada guud ee miisaaniyadda la shaaciyay ayaa ah $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan oo dollar), waxaana cod aqlabiyad leh ku meelmariyay golaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii Soomaaliya deynta laga cafiyo dhamaadka sanadkan ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladda gaarsiinayso bulshada.

Haddaba sidee looga falceliyay ansixinta miisaaniyaddan oo ka badan hal bilyan oo dollar?

Qaar kamid dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka hadlay arrintan, iyaga oo aad usoo dhaweeyay isbeddalka ku yimid miisaaniyadda oo kordhay.

Cabdifitaax Macallin oo kamid ah dadka ka faceliyay miisaaniyadda la ansixiyay ayaa yiri “Maashaa Allah! Horumar la taaban karo ayay dowladda samaysay”.

Saajid Axmed ayaa  yiri “Waa markii u horeysay dowladdu budget-keedu gaaro 1 bilyan hambalyo in 20% gudaha laga aruuriyay weliba Muqdisho, waa arin boggaadin mudan”.

Ismaaciil Sayid ayaa isna ku jawaabay “Hal bilyan oo 70% macaawino ah wax weyn hanooga dhigina”

Nasteexo Axmed oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga ayaa iyaduna tiri “Waa guul weyn oo Soomaaliyeed”.

Axmed Cabdinuur wuxuu isaguna aragtidiisa oo qoraal ah kusoo koobay “Maashaa allaah waa tallaabo weyn oo la qaaday”.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo yeeshay Shir aan Caadi ahayn Maxaa Looga Hadlay?
Next articleDowlada Soomaaliya oo Reer Falastiin Gargaar u Diraysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here