Waxaa dib u furmay Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq ee Gobalka galgaduud ka dib muddo Laba Maalmood ah oo Shaqadiisu hakad gashay.
garoonka Diyaaradaha Degmada Caabudwaaq ayaa Maleeshiyo hubeysan ay diideen in Diyaaraduhu ka soo dagaan, waxa ayna ku doodayeen in Ninkii Horay u dhisay uu Lacago ku lahaa uuna Geeriyooday.
Dadaal la sameeyey ayaa lagu guulaystay in loo balan qaado in la bixiyo Lacagtaas laguna dhiibo Muda bil ah sidaasina Duulimaadyadii uga bilowdeen Degmada Caabudwaaq ee Galgaduud.
Arintaan ayaa saameyn ku yeelatay garoonka iyo Duulimaadyada Deegaanada galmudug, waxayna ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ololo Doorasho ay ka socdaan Deegaanada Galmudug
Ad