Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga deegaanka Jicibow oo hoosta degmada Buuloburde, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.
Ujeedka ayaa ah in xoogaga Al-Shabaab laga saaro deegaanada jinka wabiga Shabelle ee mara gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.
Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, kadib markii lagu bilaabay wajiga koowaad dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka.