Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay xilka qaadis ay HirShabelle ku sameysay taliyihii saldhigga booliska magaaladaasi Xidigle Axmed Cali Aadan.
Taliyaha xilka laga qaaday ayaa horyimid tallaabadaas oo uu qaaday taliyaha booliska maamulka HirShabelle Xasan Dhicisoow oo sheegay inuu xilkaas u magacaabay sarkaal kale oo lagu magacaabo Dhamme Cabdullaahi Maxamuud Siyaad.
Sababta keentay xilka qaadista ayaa waxaa lagu sheegay in taliyuhu uu wax ka qaban waayay xaaladaha ka jira magaalada Beledweyne ee u dhexeeya maamulka gobolka iyo kan Hiiraan State oo uu dhowaan ku dhawaaqay guddoomiye hore Cali Jayte Cismaan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu yahay taliyaha booliska Beledweyne, maadaama uu sheegay in aysan soo gaarin warqad xilka looga qaaday oo ka timid Muqdisho.
“Aniga waxaan ahay Booliis Fedaraal waxaana halkaan ku imid magacaabis heer Fedaraal ah, xilna igama qaadi karto Hirshabeelle awoodna uma lahan sharcina maba ahan, mana arag warqad kasoo baxday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo sarkaalkaan lagu soo magacaabay ” ayuu yiri taliye Axmed Cali Aadan.
Arrintan ayaa keentay in maanta dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemo magaalada Beledweyne, taas oo u dhexeyso labada dhinac.