Home Wararka Maanta Abwaan Tageeray kooxda Alshabaab oo Caawa Muqdisho lagu Xiray

Abwaan Tageeray kooxda Alshabaab oo Caawa Muqdisho lagu Xiray

0

Warar aan helayno ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir ay caawa gacanta ku dhigeen Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto, kaas oo Baraha Bulshada ku faafiyay qoraallo uu ku taageerayo Kooxda Alshabaab iyo fikirka xagjirnimada, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Maxamuud oo ka soo jeeda magaalada Burco ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho ku joogtay summadda suugaanta, waxaana uu noqonayaa qofkii labaad ee dhallinyaradaas ah lala xiriiriyi fikirka kooxda Alshabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ku joogay Muqdisho la shaaciyay inuu aaday ASlshabaab oo uu go’aansaday inuu ku biiro, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buugg uu qoray.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal laga Cabsi Qabo inuu Ka Qarxo Magaalada Baladweyne
Next articleWiil Soomaali ah oo shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here