Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa maamullada Galmudug iyo HirShabeelle ku amaanay sida ay isaga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab.
Laftagareen ayaa sheegay inay cashirro muhiim ah ka barteen dagaalka kooxda ee ka socda gobollada dhexe, isagoo sheegay inay hadda Koonfur Galbeed ka bilaabayaan wajiga labaad ee dagaalka.
Wuxuu sheegay in 90% laga xoreeyey dhulka maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle, taas oo sida uu sheegay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ku dhiirigelineysa inay deg deg u bilaabaan wajiga labaad ee dagaalka kooxda oo la qorsheeyey in laga xoreeyo deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobollada labadaas maamul.
Madaxweynaha K/Galbeed oo sii faahfaahiyey sida uu u arko dagaalka ka socda gobollada dhexe ayaa sheegay in markii hore aysan jirin tuulo u gudbi karta tuulo kale.
“Shaqo aad u fiican ayaa ka socota HirShabeelle iyo Galmudug, inta hartay waxaan rajeyneynaa in Khawaarijta laga xoreeyo inta ka dhiman bishaan, labadaan gobol ee koonfurta oo ah Jubbaland iyo K/Galbeed waa diyaar garoobeen,” ayuu yiri Laftagareen.