Beesha Duduble ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeysay shir uga socday shan maalmood, kaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii loo xoreyn lahaa deegaanada beesha ee bariga gobolka Galgaduud oo Shabaab ay heystaan.
Ugu horeyn war-saxaafadeedka beesha ayaa lagu sheegay in shirkaan lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb looga heshiiyey dhamaan wixii khilaafaad ahaa eek a jiray gudaha beesha.
“Intii uu shirkaan socday waxaa ‘looga tashaday aayaha, midnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa xoreynta deegaanada ay Shabaab ka heystaan beesha Duduble,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka.
“Walaalaha ka dhashay beesha Duduble ee ku nool deegaanada ay Shabaab ku dhuumaaleystaan, waxaan ka codsaneynaa inay isaga fogaadaan Khawaarijta, maadaama dagaalka kooxda loo adeegsa doono cudud ciidan oo aad u culus,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaanka.
“Waxaan si buuxda u garab taaganahay dagaalka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha Duduble,” ayaa lagu yiri bayaanka.