Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay degaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay.
Halkaasi oo haatan farisan u ah ururka 46-aad ee qeybta 60-aad, ayaa lagu hayaa Cumraani oo kooxda Al-Shabaab ka soo goostay xilli ay wajahayaan guluf culus oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.
Isaaq Cumraani ayaa waxa uu tababar kusoo qaatey degmada Jilib Ee gobalka Jubada Dhaxe, sidoo kalena waxa uu muddo laba sanno ah ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha.
Ninkan ayaa wuxuu ugu baaqay dhalinyaradii saaxiibada ahaa ee ay ka wada tirsanayeen kooxda Al-Shabaab inay isaga soo baxaan kooxda, ayna ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda.
Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin.
Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.