Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Qarixii Ismiidaaminta Ahaa ee Ka Dhacay Muqdisho

Wararkii ugu Danbeeyey Qarixii Ismiidaaminta Ahaa ee Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax culus oo is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare dhumasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxaas waxaa fuliyey nin naftiisa haligay oo is-miidaamiyey, wuxuuna ka dhacay maqaayad u dhow Baar-bulsho oo ku taalla isgoyska Sayidka, ninka ayaa la sheegay inuu soo dhex fariistay dadkii ku sugnaa maqaayadda, kadibna isku qarxiyey.

Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid lagu qayilo oo bulsho badan ay ku sugneed, qaraxa kadib ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ayaa la wareegay amniga goobta oo dadka shacabka ah iyo warbaahinta looma ogola.

Dad badan ayaa laga soo sheegayaa halkaas ay waxyeelo kasoo gaartay, in kastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah, hadana wararku waxay sheegayaan in dhimashadu ay ku dhowdahay 10 qof, dhaawacyo badana ay jiraan.

Goobta uu qaraxaasi ka dhacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxayna xisaabsan tahay degmada Howlwadaag, goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid culus oo dhul badan burburiyey, sidoo kale sawirrada la helay ayaa muujinaya burbur baaxad leh.

Askar ka tirsan ciidmaada dowladda ayaa la sheegay in maqaayadaas ay ku sugnaayeen markii uu qaraxaasi ka dhacay, sida caadiga ah ciidamada ayaa maalin kasta fariisa jiray maqaayadda.

Kooxda Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sidoo kale laga hor istaagay qaraxyadii halista badnaa ee Muqdisho ay ka fuli jireen, hadda waxay ku soo uruureen inay qof qof u qarxaan, inta soo xirtaan jaakadaha qarxa.

Bilihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa hareeraha Muqdisho ku fashiliyey qaraxyo ay Shabaab doonayeen inay soo geliyaan gudaha magaalada, shacabka Muqdisho ayaa mudooyinkaan dareemayey amni aysan horay u arkin, halka Shabaab-kii gumaadi jiray shacabka caasimadda ay wajahayaan baacsi xad dhaaf ah oo dowladda iyo shacabka hubka qaatay ay ku hayaan.
Ad
Previous articleDowladda Mareykanka oo markale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab
Next articleBanaanbax ka Dhan ah Alshabaab oo Galabtay Ka Dhacay Muqdisho