Dowladda Mareykanka ayaa markale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab, ayada oo abaalmarin lacageed oo cusub dul-dhigtay ku-xigeenka Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda).
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in ay ku abaalmarinayso lacag dhan 5 milyan oo dollar qofkii soo sheega xogta Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.
“Illaa 5 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ayaa lagu bixinayaa si loo helo xog ku saabsan Abuukar Cali Aadan. Naga caawi sidii aan u heli lahayn hoggaamiyahan muhiimka ah ee argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee Mareykanka.
Abuukara Cali ayaa Mareykanka horay ugu soo rogay cuna-qabateyn, ayada oo la raacayo qodobka (E.O.) 13224, kaasi oo cuna-qabateyn adag saaraya dadka ajnabiga ah ee halista weyn ku ah amniga muwaadiniinta Mareykanka ama amniga qaranka, siyaasadda dibadda, ama dhaqaalaha Mareykanka.
Abaalmarintan ayaa waxaa ku dhowaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-Shabaab, isaga oo xilkaas qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.
Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda) ayaa ah nin aad isku qariya, waxaana markiisii ugu dambeysay uu kasoo dhex muuqday (isaga oo wejigiisa humaag lagu furay) muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay