Khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Ciid ayaa ugu dambeyntii la xaliyay.
“Waa laga gudbay arrintaan yarta aheyd (khilaafkii) ee soo baxday. Galmudug saddex sano iyo bar ayau dhisan tahau waa khilaafkii koowaad ee banaanka usoo baxa, iyadana waa laga wada-hadlay waana laga gudbay,” ayuu yiri Cali Ciid.
Waxa uu intaas kusii daray “Waqti fiican oo waddanka wax ugu qaban karno oo ku xoreyn karno ayaa inoo dhiman oo sanad iyo wax la jiro ah, waxaana looga gudbayaa midnimo iyo wada-jir.”
Inkasta oo Cali Ciid uusan sheegin waxa lagu dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor ayaa haddana waxaa soo baxeysa in madaxweyne Xasan Sheekh oo bil ka badan ku sugan Dhuusamareeb uu labada dhinac cadaadis ku saaray “in waxa la isku hayo dhinac la iska dhigo” oo loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.