Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Khilaafkii Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo la Xaliyay

Wararkii ugu Danbeeyey Khilaafkii Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo la Xaliyay

0

Khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Ciid ayaa ugu dambeyntii la xaliyay.

Cali Ciid oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu shaaciyay in la dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor, islamarkaana wada-shaqeyntoodu ay kusoo laabatay sidii hore iyo si ka wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa laga gudbay arrintaan yarta aheyd (khilaafkii) ee soo baxday. Galmudug saddex sano iyo bar ayau dhisan tahau waa khilaafkii koowaad ee banaanka usoo baxa, iyadana waa laga wada-hadlay waana laga gudbay,” ayuu yiri Cali Ciid.

Waxa uu intaas kusii daray “Waqti fiican oo waddanka wax ugu qaban karno oo ku xoreyn karno ayaa inoo dhiman oo sanad iyo wax la jiro ah, waxaana looga gudbayaa midnimo iyo wada-jir.”

Inkasta oo Cali Ciid uusan sheegin waxa lagu dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor ayaa haddana waxaa soo baxeysa in madaxweyne Xasan Sheekh oo bil ka badan ku sugan Dhuusamareeb uu labada dhinac cadaadis ku saaray “in waxa la isku hayo dhinac la iska dhigo” oo loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleXukunka Darawalkii lagu Qabtay Bustaha Gabaadka Diyaaradaha ee Alshabaab
Next articleTaliyihii Hore ee Howlwadaag iyo Kaaraan oo Caawa lagu Dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here