Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka socda Hirshabeele

Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka socda Hirshabeele

0
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii afaraad oo xiriir ah ay dagaallo iyo duqeymo culus ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan dhul howd ah oo ay ku go’doonsan yihiin Shabaab.

Howlgalkan oo ah mid culus, ayna iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga socda inta u dhexeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-Fooldheere, gaar ahaan howd ku yaalla halkaasi.

Kooxda meesha lagu go’doomiyey ayaa la ogaaday in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, waxayna doonayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeelaha Dhexe balse ciidamada ayaa ka hortegay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ee qaybta ka ah dagaalka socda ayaa u warramay Idaacadda Kulmiye, wuxuuna sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay godad ka qoteen dhulka howdka ah, taasina ay keentay in howlgalkooda uu sii dheeraado, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka meesha ay ku jiraan waa meel howd ah, waana lama galaay, haddana dhulka hoostiisa ayay godad kasii qoteen” ayuu yiri mid kamid ciidanka dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay hadda u adeegsanayaan hub culus oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, sidoo kalena ay caawinayaan diyaarado, si meesha loogu beegsado raggaas.

“Duqeyn way ku socotaa oo diyaaradaha way duqeynayaan, ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga dalkana hoobiyeyaal ayay ku garaacayaan meesha, hadda maalintii afaraad ayuu dagaalku galay, waana lagu hareereysan yahay meel ay uga baxaan ma leh” ayuu raaciyay.

Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo lagu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn iyo dagaal toos ah, maadaama ay ku hareereysan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Maswiisleyda.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama lagu bilaabay howlgalka wajigiisa koowaad oo inta badan lagu xoreeyay HirShabelle.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGabar Soomaali ah oo Qurbaha ka Tiimid oo Muqdisho kasoo Dagtay ayadoo Eey Wadata iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda koonfurta Gobalka Mudug