Home Wararka Maanta Gabar Soomaali ah oo Qurbaha ka Tiimid oo Muqdisho kasoo Dagtay ayadoo...

Gabar Soomaali ah oo Qurbaha ka Tiimid oo Muqdisho kasoo Dagtay ayadoo Eey Wadata iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

0

Hadal heyn xoogan iyo falcelin isla socota ayaa ka dhaatay gabar Soomaali ah oo xijaaban oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kala soo degtay Ey ay wadatay, taas oo laga duubay muuqaal lagu baahiyay Internet-ka.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogleh, waxaana ka mid ah dadka ka hadlay guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarab oo sheegtay in arrintaan laga damacsan yahay ujeedo kale oo lagu dhibaateynayo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.

“Anigu weli ma aanan arag gabar Muslimad ah oo Islaam ah waddanka ay doonto haku dhalato ee Ey wadato ee madaar kala dageyso, haddana gurigeeda la imaaneyso, aniga waxaan u fahmaayaa inay tahay mishin, gabadhaana farriin inay wado oo ah in Soomaaliya Eeyaha lala tegi karo, waxa ka darana ay imaan doonaan” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Sidoo kale waxa ay su’aallo ka keentay sida gabadhaan loogu ogolaaday inay kasoo degto garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay sii marto qaybta VIP-da ah ee madaxda.

“Maxay tahay ujeedada ay gabadhan u keentay Eyga? taas ayaa isweydiin mudan, waa maxay sababta ay dalka ugula soo degtay Eeygan?, maxay u xijaaban tahay?, xittaa hadii ay surwaal xiran tahay qofta waxaa dhihi lahayn qof aan dhaqankiiba haysan waa dhunsan tahay, laakiin gabadha way xijaaban tahay, haddane Ey way wadataa aniga ma fahmi karo ujeedadaas iyo sababta loogu ogolaaday in ay kasoo degto garoonka” ayay sii raacisay.

Waxaa kale oo ay tiri “Gabadha iyo Eygeeda annaga uma ogolin magaaladeena, maandhaay hanaga imaanin oo na daa hadii aan noocaas tahay”.

Ugu dambeyn waxayn soo jeedisay inay arrintaan ay ka hadlaan Culumada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, si looga hortego dhaqamada aan u wanaagsaneyn dadkeena.

“Arrintaan waa mucjiso aniga waxa ay ila tahay Program-kan ujeedaa daba taallo, waxaan rabnaa Culuma-u-diinka iyo bulshada Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan”.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleJabhada gacan libaax oo Balankii uga baxay Muuse Biixi Weerana Qaaday
Next articleWararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka socda Hirshabeele