Home Wararka Somaliya Somaliland Jabhada gacan libaax oo Balankii uga baxay Muuse Biixi Weerana Qaaday

Jabhada gacan libaax oo Balankii uga baxay Muuse Biixi Weerana Qaaday

0

Rag hubeysan oo ka tirsan Jabhada gacan libaax ayaa gaari nooca raaxada ah waxay ka kaxeysteen bartamaha magaalada Burco ee gobolka Togdheer

Gaarigan ayaa waxaa lahaa mid ka mid ah Masuuliyiinta Wakaalada  biyaha u qaabilsan maamulka Somaliland, waxayna la aadeen gaarigaas dhinaca buurta gacan libaax.

Falkan ayaa mar ka careysiisay maamulka Somaliland oo dhowaan cafis u fidiyey Jabhadan inkastoo hogaankooda uu ku gacan seyray, shuruud ayeyna ku xireen iney hubka dhigaan taasoo ah in Muuse Biixi uu xilka ka dego,. lana qabto doorashooyinka oo marar badan dib u dhacay.

Dhinaca kale, Ergada waday dhexdhexaadinta xiisaddii buurta gacan Libaax ayaa sheegay inay wadaan dedaallo ay buurta ugu soo saarayaan jabhadaas.

Waxay sheegeen in qeyb kamid ah ciidanka laga soo saaray buurtaas isla markaana gaadiidka qaar lagu soo wareejiyay guddiga oo ay iyaga gacanta ku hayaan.

“Qaybihii u horeeyay ee ciiidanka waanu wareejinay, waxaanuna ku wareejinay dawladda. Hadda baaqigii oo gaadiidkii iyo xoogay ciidana oo iyana ahayd in la meeleeyo ayaa noo harsanaa,” ayauu yiri Suldaan Cabdiraxmaa Cabdullaahi Aw good

Ad
Previous articleXildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo war ay ku Farxeen u Sheegay Dadka Camaara oonka Haray Alshabaab
Next articleGabar Soomaali ah oo Qurbaha ka Tiimid oo Muqdisho kasoo Dagtay ayadoo Eey Wadata iyo Falcelin Xoogan oo ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here