Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka mid ah masuuliyiinta hor kacaysa dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug ayaa galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Camaara oo ah deegaankii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey kooxda.
Xildhibaanka ayaa markii uu arkay sida ay u camirantahay magalada Camara wuxuu yiri, “Maanta waxaa noo shidan Camaara oo aan ugu imaanay dad shidan, si gaar ah ayaan ugu hambalyeynaa dadka ku nool magaaladaan,” ayuu yiri Xildhibaanku.
“Reer Camaara oo lafahooda ceynsaday ayaan cadowgii ka dul-qaadnay, iskuuladii iyo dugsiyadii waa u furan yihiin oo wax badan ayay kaga horeeyaan deegaanada kale, hadda waxay u baahan yihiin in waxooda wax loogu daro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Dhabancad.
“Waxaad rumeysataan in dib aan loo laaba doonin oo berri uusan idin qabsa doonin Shabaab-kii la idinka dul qaaday, Soomaaliya oo dhan heshiis Khawaarijta iska xoreyn ah ayaa ka dhacay ee dhankiina ka fuliya,” ayuu yiri Dhabancad.
Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa Jimcihii ku dhaawacmay weerar is miidaamin ah oo Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Laas-gacamey oo u dhaxeeya Bacaadweyne iyo Wisil oo xligaas ay joogeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad.