Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay dagaalka ay haatan dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Indhacadde oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo dagaalkan iyo doorka weyn ee uu ka qaadanayo madaxweynaha.
Jeneraalka ayaa guul u rajeeyay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo ku hoggaaminayo dagaalka ka socda gobollada dalka.
“Madaxweynaha waan uga mahad-celinaa in dagaalkaas uu tuutaha u gashto oo uu hoggaamiyo, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu bad-baadiyo, Khawaarijta sharta ahna uu jebiyo si fiican ayaana u arkaa dagaalkaas” ayuu wareysiga ku yiri Indha-Cadde.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxay ka dhigan tahay inay ka go’an tahay madaxweynaha inuu dhinto ama guulaysto”.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto khibrad yari haysato saraakiisha dhalinyarada ah ee dagaalka hoggaamineyso, isaga oo ku taliyay in arrintaas wax laga qabto.
“Khibrad yari waa ii muuqaneysaa meelaha qaar ka jirta waayo saraakiisha ciidanka hoggaamineyso waa dhalinyaro aan khibrad badan oo aan dagaal lahayn” ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo fiirsado xeeladda dagaal ee lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku tahay dalka iyo dariska.
“Waxay u baahan tahay dagaalka nimankan in la daraaseeyo sidii looga hortagi lahaana la gaaro, waana la sameyn karaa aniga aragtideyda” ayuu kusoo gabagabeeyay.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday