Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Kenya oo Duqayn ku laysay Shacab ku Dhaqnaa Gobalka...

Wararkii ugu Danbeeyey Kenya oo Duqayn ku laysay Shacab ku Dhaqnaa Gobalka Gedo

0
 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn xoogan ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan degmada Ceel Cadde ee gobolkaasi.

Korneel Aadan Rufle oo kamid ah dadka deegaanka, isla-markaana in muddo ah ka qaylo dhaaminayay dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay duqeymahaasi.

Waxa uu tilmaamay in la beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa aagga degmada Ceel Cadde, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.

Sidoo kale Aadan Rufle ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan wiil iyo gabar isla dhashay oo kala ahaa sideed sano jir iyo lix sano jir.

“Degmada Ceel Cadde bartamaha gobolka Gedo raxan diyaaradaha Kenya ah ayaa waxa ay ka sameeyeen gumaad naf iyo maalba leh meeshaa waxaa ku dhintay laba canuq oo saqiir ah, Aamino Cabdirisaaq Xuseen iyo Maxamed Cabdirisaaq Xuseen oo isla dhashay”

Korneelka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac uu gaarayo illaa 10 qof, sidoo kalena diyaaradaha ay burburiyeen dhammaan xarumhihii muhiimka ahaa ee degmada.

“Waxa dhaawacmay dad ku dhowaad 10 qof ah, waxaa burburay xarumihii muhiimka ahaa ee degmada, sida ceelsha, korontada, bakhaarada raashinka iyo masaajida” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu baaq dheer u diray dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka gobolka Gedo.

Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas oo ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen deegaankaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo dalacsiisay labo guuto oo Alshabaab Cashar u Dhigay
Next articleGudoomiye Madaale oo Dhagac dhigay Wado Muhiim ah o Muqdisho laga Dhisaayo(Sawiro)