Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-gal saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.
Ninkaan ayaa waxaa uu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay deegaano ay kamid yihiin Cadegow, Garaar, Warta Doolar, Weley Bagaal iyo tullooyinka Ey-Duraay ee gobolka Baay, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga.
“Howl-galkaan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada kala ah Adeegow Garaar, Warta Dollar, Weeley Bagal iyo deegaanka Eey-Duuraay ee gobalka Baay.”
“Dharbaaxo culus oo soo gaartay howlaha sharci darrada ah ee Shabaab-ka ka wadaan gobolka Baay,” ayey natiijada howl-galkaan ku tilmaamtay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.
Duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay.
Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan.
Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si dardar leh ku wada dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo taageero ka helaysa saaxiibada caalamka oo iyagu fuliya duqeymaha dhanka cirka.