Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Hay’addaha Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba ku qabtay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Cumar ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna bixiyay wareysi muuqaal ah oo uu ku sheegay inuu yahay 40 jir, ku noolaa Gaalkacyo, kadibna usoo wareegay Xamar.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in kahor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah, sida ku caddeeyay wareysiga.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab uu tashkiiliyay ninay qaraabo yihiin, sidaas uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar muddo soconayay.
Xamar waxaa ka ahaa Macallin dad qurbe-joog ah ayaa Oline-ka Qur’aanka uga dhigayay aniga oo sidii u jooga waxaa ila soo hadlay nin aan qaraabo nahay oo nimankaa Shabaabka ah ninkaas oo la yiraahdo Maxamed Xasan, kadibna waxaan tegay Jilib” ayuu yiri Cumar.
40 jirkan ayaa sidoo kale xusay in tababarka uu usoo xiray Mahad Karataay oo kamid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, kadibna ay sameeyeen dhoolatus wyen
“Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay” ayuu mar kale wareysiga laga qaaday ku yiri Cumar Maxamed.
“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uag soo kacay markan halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo rabab inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay.
Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday Koonfur Galbeed in cafis u fidiso, wuxuuna sheegay inuu khaldamay, isla-markaana uusan gaysan wax dhibaato ah.
” Waxaan codsanayaa maadaama aanqof Soomaaliyeed dhibaato u gaysan taliska Nabad Sugidda Koonfur Galbeed waxaan ka codsanayaa cafis, maadaama aan khalday” ayuu yiri.
Horay Koonfur Galbeed ayaa sidaan oo kale garoonka Baydhaba ugu qabatay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo doonayay inay kasoo dhoofaan garoonka magaaladaasi.