Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo Wacad ku maray inay Xasan Tuure usoo aari Doonaan

Sanbaloolshe oo Wacad ku maray inay Xasan Tuure usoo aari Doonaan

0

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Maxaas ku sugan ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu fartiin u diray dhinacyo uu sheegay in aysan daacad ka aheyn dagaalka kooxda.

Sanbaloolshe iyo beeshiisa isku dhaarsaday inay u soo aaraan Xasan Tuure iyo ku xigeenkii Danab ee Galcad lagu dilay, isagoo yiri “Ninkii Cali Madaxweyne ee ciidamada Soomaaliya ugu fiicnaa soo Xasan Tuure ma aheyn? Hadii aanaan Shabaab ka soo aarsan gabadheenu guur malaha.”

Sanbaloolshe ayaa soo jeediyey in wixii khilaaf ah meel la iska dhigo ee loo soo jeesto dagaalka Al-Shabaab, “Maxaas markii la isugu imaanayey waxaa adkeed in salaanta la iska qaado, hadda dib ayaa loo walaaloobay, waxaana go’aansanay in siyaasadda na kala qeybisay aan meel iska dhigno ee dagaalka u soo jeesano,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe in wax gorgortan siyaasadeed ah aysan Xawaadle geli karin, inta Shabaab ay hor taagan yihiin, sida uu ka hor sheegay boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay Maxaas.

“Marti ayaa nala joogta, dagaalka AlShabaab anagaa bilownay ee maanta maka baqanaa, markaasaan siyaasado kale ku mashquulnaa? Ayuu Sanbaloolshe weydiiyey shacabkii iyo masuuliyiintii maanta isugu soo baxay Maxaas.

Sidoo kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si adag u weeraray dad uu sheegay inay Shabaab taageeraan oo suurad xumeeyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

“Naago dayuusiin ah oo dagaalka aan ku jirin oo deeq aan bixineyn, oo war fiican aan laga heleyn iyo niman wareersan oo qurbajoog ah oo Shabaab u wada shaqeeyoo dulmi baraha bulshada ka wada miyaan warkooda yeelnaa, mise dagaalkaan xaqa ah ee waajibka ah ayaan galnaa?” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Wuxuu intaas ku sii daray in Xawaadle aysan xornimo heysan inta beelaha deriska la ah ay deegaanadooda Shabaab joogaan, “Inta Shabaab bari iyo galbeed naga xigo xornimo ma heysano, dalkaan inay difaacaan adinkaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa dadkiisa ka balan qaaday in hadii ay dagaal galaan aysan jaagoo doonin oo dhaawacyadoodu aysan dayacmi doonin, “Waa mideysanahay maanta kadib, dagaalkaan geleynaa, dagaalka ka hor Maxaas Madaxweyne ma imaa jirin, waxa la idinku tixgelinaayo waa sida aad cadowga isaga dul-qaadeen,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ad
Previous articleGabadha Soomaaliyeed ee qurbaha ku kortay ee waddan ku yaalla yurub ka noqotay gabyaaga sanadkaan
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dil argagaxleh oo Gaalkacyo loogu Gaystay Dr. Sakariye Cabdi Jaamac