Home Wararka Maanta Gabadha Soomaaliyeed ee qurbaha ku kortay ee waddan ku yaalla yurub ka...

Gabadha Soomaaliyeed ee qurbaha ku kortay ee waddan ku yaalla yurub ka noqotay gabyaaga sanadkaan

0

Gabadhaan Soomaaliyeed oo iyada oo yar la geeyay Denmark laguna magacaabo Amina Elmi, ayaa bishaan August waxay markeedii ugu horeysay soo bandhigtay suugaan ka hadlaysa, cadaawadda, cuqdada, carada, jacaylka iyo hilowga intaba. Magaca la isku yiraahdo guud ahaan gabayadaan ayaa ah Barbar. Markii ugu horeysay ayay suugaanteeda soo bandhigtay, waxayna noqotay gabyaaga sanadka ee Denmark.

Mar ay la hadlaysay warbaahinta ayay tiri “Waxaan nafteyda u sheegaa inaan ‘falaagoobayo'”.

Qisada gabayada Amina ayaa salka ku haysaa isku xirka dhaqanka lumay ee qoyskeedu hiddaha u lahaayeen, oo dabcan ah kan Soomaalida iyo kan ay hadda ku sugan tahay ee waddankkeeda labaad. Gabayadeeda ayaa qeexa xanuunka waxa lumay, ayaysan mararka qaar cabiri karin erayadu oo aysan jirin luuqad ay ku tirin karto erayo ka turjumaya dareenkaas.

Amina ayaa qayb ka noqoneysa gabdho badan oo Soomaaliyeed oo ku barbaraay qurbaha qaarkoodna ku dhashen oo guulo ka gaaray tartamo ay galeen.

Waa tuma Amina?

Amina Cilmi waa gabar Soomaaliyad oo heysata dhalashada Denmark. Waxaa la geeyay waddanka Denmark iyada oo saddex jir ah sanadku markuu ahaa 1998 dii. waxayna ku dhalatay Soomaaliya sanadkii 1994 tii.

Iyada, hooyadeed iyo shan walaalaheed ah ayaa gaaray waddanka Denmark. Amina ayaa ah ilmaha labaad ee ugu qoyskeeda.

Aabahood wuxuu uga daba yimid waddanka dhawr sano kadib markii ay iyagu gaareen. Waxay ku soo koreen magaalo lagu magacaabo Aalborg, balse waxay maalin walba bas u raaci jireen caryyrta qoysku degma kale oo lagu magacaabo Hasseris, si ay waxbarashada u tagaan.

Markii ay dhameysay dugsiga sare waxay barashada af Ingiriiska u gashay jaamacadda Aalborg University.

Sida ay sameeyaan badanaaa waalidiinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, Amina iyo walaaleheed waxaa la geeyayay dugsi quraan la’aado labada maalin ee fasaxa ah todobaad walba, ee aysan jirin waxbarashada maadiga ah. Halkaas ayaana u noqotay meel ay ka hesho bilwga waxbarashada diinta.

Sanadkii 2017 kii ayaa Amina waxay mid kamid ah bogaga warbaahinta Denmark waxay ku qortay, qoraal ay ku difaacaywo in gabdhah muslimiinta ah ee reer Denmark ay xaq u leeyihiin in ay xijaabtaan.

Kadib dhimashadii aabaheed Aamina waxay wajahday xaalad dhib badan oo shaqsiyadeed. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay bilowday inay si qoto dheer u barato diinta si iskeed ah.

Markii ay gaartay da’da 23 ayay u guurtay magaalada Copenhegan ee caasimadda Denmark iyada oo halkaas ka shaqo bilowday, sidoo kalana qayb ka noqotay bulsho muslim ah oo ku xiran masaajidka The Mariam.

Micnaha magaca barbar

Magaca ay suugeenteed u xulatay Amina ayaa ah mid ka soo Giriigga, gaar ahaan giriiggii duqa ahaa. Waxay ugu yeeri jireen dadka aan sida fiican u aqoon luuqadda Giriigga ‘Barbarians’ maadaama ay ku hadli jireen luuqad aan si wanaagsan loo fahmayn. Sidoo kale ereyga ayaa loo yaqaan dadka aan naxariista badan lahayn.

Ad
Previous articleSheekh Shariif Sheekh Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo xaadiray kulankii maanta ee golaha, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah
Next articleSanbaloolshe oo Wacad ku maray inay Xasan Tuure usoo aari Doonaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here