Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Galmudug, taas oo u dhexeyso madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Warqad kasoo baxay xafiiska garsooraha maxkamadda gobolka Galgaduud, Axmed Salaad Kulane ayaa waxaa waaran soo qabasho ah loogu jaray 4 kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Caabudwaaq, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne ku xigeenka oo shalay doorasho gole deegaan oo uu goobjoog ahaa Cali Ciid ku qabsaday magaaladaasi.
Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay eedda loo haysto xubnahaan ayada oo sheegtay inay ku xadgudbeen sharciga dowladaha hoose ee Galmudug.
Tallaabada ay qaaday maxkamadda ayaa kusoo aadayo, xilli madaxweyne ku xigeenka khudbad uu ka jeediyay doorashadii ka dhacday Caabudwaaq uu ku weeraray kooxda madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka arrimahaha gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.
“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan. Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.
arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.