Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa oo la Doortay Xili khillaf Xoogan Taagan...

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa oo la Doortay Xili khillaf Xoogan Taagan yahay

0

Xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo soo dhoweeyey maamulka cusub ee degmada Caabudwaaq

Xaafiiska Madexweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug wuxuu soo dhaweynayaa una hambalyeynayaa Gudomiyaha iyo Kuxigeenka cusub ee ay doorteen Golaha Deegaanka Degmada Caabud Waaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sida ku cad Sharciga Goloyaasha Deegaanka Qodobkiisa 4 aad, fakhrooyinkiisa 1, 4. Golaha Deegaanka waa Hay’ad u madaxbanaan fulint awoodaha sharcigu siinayo.

Qodobka 4 aad

1. Dowladaha Hoose waa hay’addo ismaamula lehna Shaqsiyad Qaanuuneed oo ay ku gudanayaan xilalka uu Sharcigan u xilsaarayo.

4. Dowladaha Hoose waxay umadax bannaan yihiin gudashada Xilalka uu Sharcigaan u xilsaarayo.

Waxaan markale so dhawaynaya rabitaanka iyo Taageerada Shacabka Caabudwaaq ay u muujiyeen Maamulka Cusub Shacabka Caabudwaaq wa Shacab Dowladnimada Jecel oo mudane in lo abaalgudo.

Waxaa lafarayaa dhamaan hay’adaha Dowlada iyo dadweynaha Degmada Caabud Waaq in ay la shaqeeyaan maamulka la doortay ee kala ah Avv. Abdinasir Maxamuud Hassan iyo Dr Maxamed Hassan Nuur

Ad
Previous articleNin Dil argagax leh ugu gaystay Baladweyne laba Wiil oo uu Abti u Ahaa
Next articleMaxkamadda gobolka Galgaduud oo maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Qoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa