Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo ka hadlay magaalada Caabdudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda xoogan ee ka taagan maamulkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa is babar dhigay arrinta Caabudwaaq iyo tan Laascaanood, isaga oo tilmaamay inay isku egyihiin kacdoon ahaan, sida uu hadalka u dhigay.
“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.
Sidoo kale wuxuu maamulka ka tirsan yahay ee Galmudug ku eedeeyay inuu xaqiray degmadan oo uu kasoo jeedo, wuxuuna tilmaamay in canshuurteeda laga faa’iideysto.
“Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu mar kale sii raaciyay.
Cali Daahir Ciid oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay reer Caabudwaaq inay iyagu tashadaan, waxna ka qabtaan xaaladaha ka jira magaaladaasi.
Hadalkan ayaa Cali Daahir Ciid wuxuu ka sheegay doorashada golaha deegaanka degmadaas, gaar ahaan garab isaga taageersan oo doortay hoggaan cusub.